Xubno katirsan Labada Gole ee Baarlamaanka oo bogaadiyey dhalinyaro Garbahaareey ka hirgeliyey Maktabad

fartaag

Xildhibaano ka tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa bogaadiyey dhalinyarada hirgalisay Maktabadda degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo, kadib munaasabad ay xalay ku qabteen magaalada Muqdisho.
Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) oo ka mid ah mudanayaasha laga soo doorto Jubbaland ayaa tilmaamay in Maktabadaasi ay sare u qaaday heerka aqooneed ee degmada, waxaana munaasabadda shahaado sharf lagu gudoonsiiyey dhalinyarada Maktabadda hirgalisay oo qaarkood ay qurba joog yihiin.
Waxa uu sheegay Senetor Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (fartaag) in dhalinyaradu ay door wanaagsan ka qaadan karaan horumarka dalka, islamarkaana talaabadaan ay tahay mid sare u qaadeysa waxbarashada gobolka Gedo.
Maktabadda Garbaharey oo la furay bishii Augost ee sanadkan waxa ay noqotay goob cilmi oo sare u qaaday heerka aqooneed ee Bulshada.

Xigasho Radio Muqdisho

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.