Maamul Goboleedyada is qarin waaye waxayna ku adkeysteen Qarabashadii

maamul

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (HILAAC BIYIHIISA WAA CADDEYSTAA).Hadalkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi maxamed uu ka jeediyeyMagaalada Juba ee caasimada Suudaanta Koofureed waxay ahayd mid loo baahnaa oo waqtigiisii ku soo aaday,wuxuu dhaxan ka kiciyey wadaniga Soomaliga ah ee ka xanuunsanaayey dhagarta shisheeya kalkaalayaasha iskugu jira Madaxda maamulgoboleedyada sheegta laakiin aniga iyo inta ila midka ah ah ay u yaqaanaan raadadkii Gabrre ka tegey ee u baahan in laga sifeeyo dalka oo dhan iyo kuwa mucaaradka sheegta ee ayyaguna la midka ah lana wada ogyahay Jaajuusiintii Gabrre ka dhex sameeyey dawlada dhexdeeda siiba Golayaasha labada Aqal,oo marqaati laga wada ahaa in si ay xildhibaan u noqdaan asagu qof ahaan u tafaxaydnaa xidhibaan in ay noqdaan,inta uu wadaniyada ku ogaana ka ilaalinaayey in ay baarlamaanka soo galaan,ragii uu xildhibaanada ka horistaagay tusaale waxaan u soo qaadan karnaa Generaal Maxamed Saciid(MOORGAN)iyo Mudane Maxamed Cabdi Yuusuf.

Toosh aad iyo aad u weyn buu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ku daaray raga Gobolada Jooga ee dayeysan markii ay waayeen AABBAHOOD GABRE.

Haddaba aan soo koobee jawaabta ay ka bixiyeen khudbadii madaxweyne Farmaajo,waxaan ka dhandhansaday madaxwenayaasha dunida ha naloo ogolaado in aan u dhoofno ayyaga oo ku marmarsoonaaya waxaan u qaraabasho tegeynaa arimaha bulshada gobolada.(BAROORTU ORGIGA KA WEYN) xaalku saas maaha ,haday dhacdo aduunyada madaxmaamul goboleed oo madaxweyne kale u dhoofa heshiisyana la soo gala madaxweyne kale bal ha noo sheegeen halka ay ka dhacaday?Duqmagaalo oo duqmagaalo kale xiriir iyo iskashi la saxiixday arkay ,wax aan ka baxsanayn danaha labada magaalo.

Dawladaha la caawiyo sida taayada ,kuwa saaxiibada la ah waxay u gudbiyaan baahiyahooda guud ahaan dalka oo dhan,waana doorka dawlada dhexe ee dalkaas ka jirta.
Sidaas awgeed madaxda maamul goboleeyada waxaan kula talinayaa (MINDI MEEL AAN XUBIN AHAYN MA GOYSO) ka daaya meesha aan xubinta ahayn mindida aad ku kirkiraysaan.Soo ururiya baahiyaha sida biyaha ,caafimaadka,waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha u keena dawlada ,kala shaqeeya ururinta canshuuraha iyo mideyntooda deeqda dibada laga Helena kula xisaabtama si hufan oo daahfurnaana markaas baad naga heleesaan in aan idiin hiilino oo aan idin jeclaano oo marar badan dib idiin soo doorano. Fadlana ogaada waxaan u baahanahay dalka shaqadiisu in ay ahaato mid hal wado loo qaado (ONE WAY)jaantaab rogan iyo isbarbaryaac dalku ku mdhismimaayo ammaan iyo kala danbayna lagu soo celin maayo,sidaas ageed naga daaya qabiilka aad bacrimineysaan si aad danihiina u gaartaan kuwa shisheeyana u meelmarisaan idinka oo indhaha ka ridaaya dadka iyo dalka.

Afarta maamul ee weli u taagan waa qaraabanaynaa ee khudbadii madaxweyne Farmaajana sidaas uga jawaabay,waxaan dadka Soomaaliyeed kula talinayaa aniga oo ka soo jeeda mid ka mid goboladaas,guud ahaana ka mid ah Soomalida wadanka u naxaysa nimanka waqtigu ka dhamaaday Afar sano oo danahooda ay u qaraabanayeen shaqaalihii iyo ciidamadiina ay mushaar la,aan dhigeen bay naga khasaariyeen ee ayey afar kale naga khasaarin.
Wabilaahi Towfiiq.
Cabdullaahi Jimcaale Farax.

jim

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.