Wakiilka Qaramada midooba ee Somaliya oo Gaaray Hargaysa

Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa Maanta gaaray Ma0gaalada Hargeysa.

Nicholas Haysom ayaa Magaalada Hargeysa kulan kula qaatay Madaxweynaha Maamul goboleedka Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid ahaayeen xiriirka ay Somaliland la leedahay Soomaaliya iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Sidoo kale Kulanka labada dhinac dhexmaray ayaa waxa looga hadlay ammaanka iyo horumarka Gobolka iyo khilaafka dhawaanahaan u dhexeeyay Maamulada Puntaland iyo Soomaaliland,kaasi oo ku saabsan xaaladda deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.