Daawo:Musharaxa Madaxwaynaha jubaland ayaa sheegay Axmed Madoobe inuu dadkii iyo degaankii xaalufiyey

madoobe

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa waxuu sheegay inay Magaalada kismaayo kajirto xaald adag taas oo keentay in raashinkii iyo dhaqaalhihii soo galayay Bulshada ay yaraatay Kadib markii Ganacstadii Dekada Kismaayo wax kasoo dagsan jirtay ay iskaga Tageen kadib tacdiyo badan oo loo gaystay Shacabka ay Ka tirsanaayeen.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubaland Mudane “Cabdi M warsame £deeq faandhe”ayaa waxuu ka codsaday Dowlada Soomaliya inay Gurmad raashin iyo Daawo la soo gaarto Magaalada Ksimaayo Madaama Magaalada Kismaayo ay godoomiyeen Shabab iyo dhaq dhaqaaqa Dekada Kismaayo oo aan fiicnayn, dhanka kale Musharaxa Deeq Faandhe ayaa waxuu ku eedeyey Axmed madoobe inuu yahay Masuul fashilmay sababtoo ah Hadal Masuul ma ahan in axmed madoobe dhaho beel baa igu soo dushay marka Beesha uu sheegayo ay kamid yihiin Madaxdiisa sida Madaxwayne kuxigeenka 1aad Jubaland , wasiiro, saraakiilo ciidan iyo masuulyiin kale.

Mysharax Deeq faandhe ayaa waxuu ka hadlay shacab iyo Ciidan katirsan jubaland oo kismaayo lagu laayey waxaa kaloo Musharaxa Ka hadlay wariyaasha oo dhibaato kismaayo loogu gaysto waxa kaloo Baaq u diray Golaha guuriga Odayaasha Jubaland ee kismaayo kusugan inay ka hadlaan dulmiga axmed madoobe.

Ugu dambayntii Musharaxa Madaxwaynaha Jubaland ayaa waxuu dowlada soomaliya ugu baaqay inay ka qayb qadato sidii Axmed madoobe umada iyo deegaanka looga qaban lahaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.