Muqdisho:Kulan Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Qaranka oo maalintii labaad Galay

Kulan Sannadeedka Golaha Wasiirrada ee Dar-dar Gelinta Qorshayaasha Geedi Socodka Qorshe Howleedka Mudnaanta  leh ee Xukumadda Horyaalla ayaa maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa mudada uu socdo dib loogu eegayaa qorshooyinkii wasaaradaha ee sannadkan dhammaadka ah, si loo ogaado wixii ka qabsoomay iyo caqabadihii lala kulmay iyada oo sidoo kale lagu qorsheynayay howlaha mudnaanta leh ee wasaaraddahu ay qabanayaan sannadka 2019.

Shirkan oo shalay furmay ayaa Dhammaan wasiirradii kulanka ka hadlay waxay soo gudbiyeen waxqabadkoodii sannadka dhammaadka ah iyo qorshayaasha u degsan sanadka 2019.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.