Daawo:Maxaad Kala socotaa Shirka Maayarada Wadamada Islaamka oo Jabuuti ka furmay

yariisow

Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa ka qeyb-galay Shirka Maayarada Magaalooyinka dalalka Islaamka oo sanadkan lagu qabtay Jamhuuriyadda Jabuuti ayna marti-gelisay Duqa Jabuuti Marwo Faadumo Cawaale Cismaan.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Maayaro ka kala socday magaalooyinka dalalka Islaamka, iyadoo furitaankiisa uu khubad ka jeediyey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed.

Duqa Muqdisho ayaa xusay ahmiyadda uu shirkani u leeyahay Caasimadda dalka ee Muqdisho, isagoo uga mahadceliyey dhiggiisa Jabuuti martiqaadka iyo soo dhaweynta walaaltinimo.
“Shirkani waa mid ahmiyad weyn ugu fadhiya dalalka ku mideysan oo dhaafsanaya khibradaha dhanka Maamulka, tababarrada iyo xoojinta wada shaqeyn lagu horumarinayo maamullada Dawladaha Hoose ee dalalka xubnaha ka ah .”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.