Dab Qabsatay Keydka Hadalka Radio Muqdisho Oo Lagu Guuleystay In La Demiyo

isgaarsin

Waxaa lagu guuleystay in la demiyo dab qabsaday qeyb ka mid keydka hadalka Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ku yaala xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayadoo dabkaasina uu ka dhashay koronto saacadu marka ay aheyd 10kii barqanimo.
Waxaan u mahad celineynaa maamulka gobolka Benaadir oo in ka yar 15 daqiiqo noogu soo diray gaadiidka iyo kooxda dab damiska kuwaasi oo suurtagal ka dhigay in si deg deg ah dadka loo damiyey.
Qasaaraha ma badna waxaase hada aan ku howlannahay tirakoobka cajaladaha naga gubtay waxaanna dib idiinkala wadaagi doonnaa faah faahinta insha Allah.
Mar kale waxaan u mahad celineynaa shaqaallaha dab damiska gobolka Benaadir iyo shaqaallaha Wasaaradda Warfaafinta oo iyagu aan ukala harin daminta dabka iyo daad gureynta cajaladaha ku keydsan keydka hadalka Radio Muqdisho.
Xigasho warbaahinta qaranka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.