Guddiga Madaxweyne Farmaajo u Xilsaaray Xallinta Shaqaaqada ka dhacday Balanballe oo gaaray Galgaduud

gorod

Guddiga uu u magacaabay Madaxweynaha JFS xallinta shaqaaqo ka dhacday Degmada Balanballe uu hoggaaminayo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa gaaray Gobolka Galgaduud, wuxuuna bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee loo qaaday nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Cabdiweli Jaamac Gorod oo Warbaahinta kula hadlay Garoonka Aadan Cadde inta Wafdiga uu hoggaaminayo aysan ka bixin Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Siyaasiyiin iyo Odayaal la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya ay Warbixin ka siiyeen sida wax kaga dhaceen Balanballe wuxuuna Go’aansaday Madaxweynaha in si deg deg ah wax looga qabto arrintan isagoo Guddigan u soo xilsaaray si u xaliyaan Shaqaaqada ka dhacday Balanballe.
gorod
Sidoo kale Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in Balanballe ay u sameynayaan Maamul iyo Ciidan Qaran oo amniga suga isla markaana ka hortaga Shaqaaqooyinka dhici kara.
Jeneral Gorod ayaa ugu dambeyn u mahad celiyay Odayaasha, Ugaasyada iyo Ciidamadda Qalabka sida oo ku guuleystay in dhibaato kale aysan ka dhicin halka Shaqaaqada ka dhacday.
“Waxa dhacay wax weyn maaha wax aan la xalin karin maaha waxaan u sameyneynaa dhismo Degmo, Ciidan Qaran oo hadii dhibaato dhacdo xaliyo, waxaan rabaa inaan u mahad celiyo dhamaan dadka ku howlan in dhibaato kale aysan dhicin Odayaasha, Ugaasyada, Ciidamada Qalabka sida iyo cidii kale oo gacan ka geysatay”.
Dadka dagaalamay ayaa ah reer guuraa waxaana markasta oo qilaaf soo kala dhexgalo labaddan dhinac arrintu isku badashaa dagaal iyo gacan ka hadal balse hadda Guddiga uu hoggaminayo Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Jeneral Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa la filayaa inay soo dhameeyeen Isfaham waa iyo Tabashooyinka soo kala dhex galay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.