Daawo:Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Oo wacdaro kadhigay dhismaha Tiyaatarka qaran

Hawl-wadeennada xafiiska Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda oo uu hoggaaminayo wasiir dawlaha xafiiska ayaa maanta ka qayb qaatay barnaaminka is-xilqaan ee lagu dhisayo Xarunta Murtida iyo Wacyi-gelinta.

Hawl-wadeennada oo uu ka muuqday diyaar garow xooggan ayaa gaaray Tiyaatarka iyaga oo kadibna guda galay qabashada shaqada dib u dhiska ah ee ka socota.

Wasiir dawlaha xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhanka kale maareeyaya Xarunta murtida iyo wacyi-gelinta, Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure, ku wareejiyay 300 oo Kiish oo Shamiito ah oo shaqaalaha xafiisku ay ku tabaruceen dhismaha Tiyaaratarka

Abwaan Cabdullaahi Cusmaan Guure ayaa shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha uga mahadceliyay shamiitada ay ugu deeqeen dhismaha xarunta murtida iyo wacyi-gelinta oo lagu dhisayo barnaaminka Is-xilqaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.