Beesha Reer Ugaas Sharmaake oo kamida beelaha daga Jubbaland gaar ahaan Gobolka Gedo ayaa shir wayne ku yeesheen Hotel SYL ee Magaalada Muqdisho Shirkaan oo daba socday Shirar hore, kuwaas oo ay yeelanayeen Beesha reer Ugaas sharmake oo ah hoggaanka dhaqanka Belwaynta Sade.
kulanka oo ay ka qeyb-galeen Siyaasiyiin, wax-garad, Abwaano, Culimo, dhalinyaro, Haween iyo qeybaha Bulshada ayaa lagu ansixiyey Dastuur ay samaysatay Beesha Rer Ugaas sharmaake, Kulankaan oo ahaa mid si heer sare ah loo agaasimay, laguna ansixiyey Dastuurka beesha ay samaysatay ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saarayey arrimo ay kamidyihiin, Isbadalada Siyaasadeed ee Dalka iyo kan ka socda Jubbaland.
Markuu soo dhamaaday Shirkaan Turxaanbixinta beesha dhex-deeda iyo ansixinta Dastuurka ayaa la isla qaatay in ay beesha marti galiso kulamo guud ay isugu yimaanayaan dhamaan wax-garadka beesha Sade si ay uga tashtaan aayahooda.
Shirar kale ayaa lagu wadaa in ay dhawaan ka dhacaan Caasimada Dalka Soomaliya iyo guud ahaan Gobalka Gedo Kaas oo waxbadan ka qaadan doona Xasilinta iyo hormarka Jubabaland.
Leave a Reply