![macawislay macawislay](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2018/10/macawislay.jpg?resize=500%2C300&ssl=1)
Ciidamada Macaawisleey ee Al-shabaab kula dagaallanka Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegtay in dagaal ay la galeen AL-shabaab ku dileen xubno ka mid ah Al-shabab.
Dagaalka ayaa shalay ka dhacay degaanka Guullane oo hoostaga Degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Hoggaamiyaha Kooxda Macaawisleyda Axmed Dhegey , ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in 8 ka mid ah Al-shabaab ay ku dileen dagaalka dhexmaray.
Al-shabab ayaa horay waxaa ay u dileen Labo nin oo kooxdan hoggaamiyayaal ka ahaa,waxaana ay kooxdani ku doodeysaa in Al-shabaab ay ka ceshanayaan naftooda iyo maalkooda
Leave a Reply