Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Somaliya oo la Kulmay Boqorka Dalka Jordan

mahdi

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ku sugan dalka Jordan ayaa kulan la qaatay boqorka dalkaasi, Boqor Cabdalla
Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo boqorka dalka Jordan ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladooda.
Boqor Cabdallaha Jodran ayaa bogaadiyay horumarka ballaaran iyo soo kabashada baaxadda leh ee Soomaaliya ay ku tillaabsanayso waxa uuna ballan qaaday in ay si dhaw ula shaqaynayaan shacabka iyo dawladda Soomaaliyeed.
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa dhankiisa sheegay in Soomaaliya iyo Jordan ay lahaayeen waligood xariir soo jireen ah oo ku salaysan walaaltinimo iyo is-xitiraam, hadana ay muhiim tahay in la xoojiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.