Daawo:Cabdifitaax Cabdulle oo dhibane u ah ficillada argagixisada xubinta tarankana uga dhaawacmay ayaa sagootin loo sameeyey

cabdifitax

Cabdi Fataax Cabdulle Cali waxaa uu kamid ahaa Dadkii Shacabka ahaa ee Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab ay ku dhaawaceen Qaraxii ay ku qaadeey 23-kii Bishii Maarso 2017-kii Hotelka Dorbin ee km 0, kaasi uu dhaawac culus kasoo gaaray Xubinta Taranka iyo qaybo kale oo jirkiisa ka mid ah.

Dhaqaatiirta Caafimaad kiisa gacanta kuhaayay ayaa waxa ay sheegeen in aan Dalka gudihiisa waxba looga qaba karin, hase ahaate Ururka Haweenka Gobalka Banaadir ayaa isku xilsaaray in ay dadka Soomaaliyeed Lacago Ka aruuriyaan si loogu helo Caafimaad Dibada ah, Ururka ayaa ku guuleeystay in ay Lacag gaareyso 60,000 oo dollar ( Lixdan kun oo doolar) ay soo uruuriyeen, waxaana lagu wadaa 13-Ka Bishaan in loo qaado Dalka Turkiga si Xaaladiisa Caafimaad wax looga qabto.
Munaasabad ku saabsan Duco iyo Sagootin ayaa xalay loogu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb galeen Mas’uuliyiin ka socotay Maamulka Gobolka Banaadir,Dhalinyaro,Odayaal iyo Fanaaniin, Cabdi kaafi Maxamuud Makaraan Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gobalka Banaadir ayaa alle uga baryay dhibane Cabdi Fataax in asagoo Caafimaad qabo uu Dalka ku soo laabto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.