Daawo:Qaabka Muqdisho loogu soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Ereteriya

farmajo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka Ereteriya Mudane Isaias Afwerki iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.
Labada Madaxweyne ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, iyadoo astaanta labada dal ay garaacayeen Ciidanka Baambayda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, kumannaan shacab ah ayaa isugu soo baxay fagaarayaasha caasimadda si ay u soo dhaweeyaan Madaxweyne Isaias Afwerki iyo wafdigiisa, iyagoo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen xiriirka ka dhaxeeya labada shacab.
Madaxweynaha dalka Ereteriya iyo wafdigiisa ayaa booqasho rasmi ah oo labo maalin ah ku joogi doona dalka, kaddib casuumaad rasmi ah oo uu u fidiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.