![koonfurgalbeed koonfurgalbeed](https://i0.wp.com/www.gedotimes.com/wp-content/uploads/2018/11/koonfurgalbeed.png?resize=640%2C381&ssl=1)
Guddiga doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Maanta ay bilaaban doonoto Khudbad jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed.
Musharaxiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa maanta hortagi doono Golaha Barlamaanka ee Maamulkaas , iyadoo Maanta iyo berri la dhageysan doono Khudbadaha Musharixiinta Maamulka Koofur Galbeed.
Guddiga Doorashooyinka Maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegay in Doorashada Madaxtinimada ee Maamulkaas ay dhici doonto Waqtigii loogu talagalay , asagoo xusay in Maanta iyo berri la dhageysan doono Khudbadaha Musharixiinta Xilkaas u tartamayo.
19 bishaan ayaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Madaxtinimada Maamulka Koofur Galbeed , ciidamada amaanka ayaana aad u Adkeeyey Amniga Magaalada Baydhabo.
Leave a Reply