Daawo:Dowlada soomaliya iyo Beesha Caalamka ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho

gulled

Shirkaan bilaha ah ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka SDRF ee looga hadlo mashaariicda hormarineed ee Soomaaliya ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra,isul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed {Qadar} kaa oo maanta dalka dib ugu soo laabtay waxaana ka qayb galay qaar ka mid ah xubnaha golaha wasiirada XFS, wakiilo ka socday Dowlad gobaleedyada, Gobalka Banaadir iyo Wakiilo ka socday beesha caalamka .

Shirka waxaa warbixin looga dhageestay mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya uga qayb galay shirka iyo wakiilada ka socday dowlad Gobaleedyada iyo Gobolka Banaadir sidoo kale xubnaha beesha caalamka waxaana dowlada Soomaaliya ay halkaa ku soo bandhigtay tubaha afarta ah ee kala ah siyaasada loo dhanyahay Amniga, Cadaalada, Arrimaha bulshada iyo Dhaqaalaha iyo hormar la gaaray sanadkaan dhamaadka ah ee 2018- ka.
“Shirkaan waa shir bille ah waxaana maanta shir guddoominayay Ra,isul wasaare ku xigeenka dalka waxaa diirada lagu saaray hormarkii la gaaray sanadka 2018 ka waxaan soo bandhignay tubaha afarta ah ee saldhiga u ah shaqada Xukuumadda sida tubta amniga iyo cadaaladda tubta siyaasada loo dhanyahay tubta dhaqaalaha iyo tubta arrimaha bulshada muhiimad weyn ayuu u lahaa shirkaani Soomaaliya”ayuu yiri Wasiirka Cadaaladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.