Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Cusub ee Dowlad Gobolleedka Soomaliyeed ee Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasii Xasan Maxamed Laftagareen.
Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdi Maxamed warsame “Deeq Faandhe” waxa uu bogaadiyeya hannaankii ay u qabsoontay doorashada Koonfurgalbeed, isaga oo ku tilmaamay mid ka tarjumaysa bisaylka siyaasadeed ee ka hana qaaday guud ahaan dalka gar ahaana Maamulka Koonfurgalbeed
Musharax Deeq Faandhe ayaa waxa uu kula dar-daarmay dhammaan bulshada Koonfurgalbeed in ay ka wada shaqeeyaan taaba galinta iyo hana qaadka Maamulkooda, si lo xaqiijiyo horumarka iyo nabadgalyada deegaanka.
Waxaa Kaloo Musharaxa Deeq Faandhe Alle uga baryaayaa hoggaanka cusub ee Koonfurgalbeed, in uu u fududeeyo howlaha adag ee horyaalla oo ay ka mid tahay dar-dargalinta dagaalka lagula Jiro Kooxda Argagixisada Alshabab.
Leave a Reply