Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Mursal ayaa wareegto uu soo saaray ku sheegay in mooshinkii xil ka qaadista ee laga soo gudbiyey Madaxweynaha soomaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu buray.
Guddoomiyaha ayaa sababaha keenay in mooshinka uu buro ku sheegay inay 14 Mudane Magacooda laga been abuurtay oo ay ku dacwoodeen inaysan qeyb ka aheyn Xildhibaanada saxiixay mooshinka.
Hoos ka Akhriso
Gudoomiye maxaa iska kaa bedelay mana aqoonsatay madaxweynaha cusub ee baydhabo tii roobowna waad iska ilowday miyaa? Maxaa ka dhihi doontaa arinta guddiga maaliyada
Dawlanimadu ma sidan bay idibla noqotay in shir iyo hadallo aan run ahayn iyo balanqaad aan wax kazoo qaad lahayn goormee madax wadaniyiin ah la heli doonaa!