Hogaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe oo Lixdii sano ee lasoo dhaafay 6 kilomitir dhaafi waayey ayaa Maalmihii lasoo dhaafay waxuu sheegay inuu deegaanada Jubbaland ka Xoreynayo Kooxda Alshabab.
Axmed Madoobe ayaa warbaahinta Soomaliya waxuu soo bandhigay Ciidamo uu sheegay inay ku wajahan yihiin Afmadow kuwaas oo lasheegay inay marayaan dhulka udhaxeeya Kismaayo iyo Afmadow oo ay kusugan yihiin Kooxda Argagixisada Shabab.
Axmed Madoobe ayaa markale isku daayey inuu qaldo shacabka Soomaliyeed isagoo sheegay in Garoonka diyaaradaha ee magaalada kismaayo laga daabulay Ciidamo kala duwan oo ka tirsan qaybaha kala duwan ee Ciidamada Jubbaland oo ku wajahan degmada Afmadow, waxaana halkaas ku beenoobay Ciidamadii Axmed madoobe sheegay inay mareen dhulka kuwaas oo gaaray Magaalada Afmadow sababtoo ah kuwaan maxaa udiiday inay Mareen dhulka.
Axmed madoobe ayaa markii uu waayey taageerada shacabka iyo kan dowlada Soomaliyeed kuna fashilmay Hogaanka Jubbaland ayna soo dhowdahay Xiligii doorashada Jubbaland ayaa waxuu isku dayayaa inuu qaldo Shacabka Soomaliyeed ayakoo ka daalay qiyaamadiisa.
Leave a Reply