Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay xildhibaan Pekka Haavisto oo ka tirsan baarlamaanka Finland, khabiirna ku ah arrimaha Soomaaliya iyo geeska Afrika, kana oo shaqeeyay machadka Nabadda dalkaas.
Ra’iisul wasaaraha iyo xildhibaan Pekka Haavisto ayaa ka wada hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha cafinta daymaha, dib-u-eegista dastuurka, hannaanka diiwaan gelinta xisbiyada dalka iyo doorashooyinka la filayo dalka in ay ka qabsoomaan 2020 iyo arinta Ergayga qaramada Midoobay ee laga eryey Soomalia.
Leave a Reply