Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa Goordhow Magaalada Garoowe waxaa ay ku doorteen Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Puntland, kaasi oo loo doortay Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood].
Cabdixakiin Maxamed Axmed(Dhoobo-dareed) ayaa helay 43 Cod ,halka uu helay Cabdijamaal Cismaan Maxamed 23 Cod ,kaasoo kula tartamay Wareegga Labaad.
Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo-daarood] ayaa ah Xildhibaan mudo saddex jeer usoo tartamay Kursiga Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda Puntland [2014, 2015 iyo 2019].
Leave a Reply