Sawiro:Jaaliyadda Konfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u tageeray madaxweyne Lafta Gareen

bay

Jaaliyadda Konfur Galbeed Soomaaliya ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u tageeray madaxweynaha cusub ee Konfurgalbeed dhawaan loo doortay Mudane Abdiaziz Laftagareen.

Xaflad siweyn loo soo agaasimay oo ay jaaiyadu kaga halayeen taageeradooda ayay ku qabteen Columbus ohio waxayna inta baddan dadkii ka hadlay muuujiyeen ahmiyada ay Nabada iyo xasiloonidu u leedahay bulsho walba.

Waxay ka codsadeen Madaxweynaha cusub in uu ka dhabeeyo balanqaadyadii uu sameeay islamarkaana uu xal waaro ka gaaro qilaafka siyaasadeed ee Konfurgalbeed dhanka siyaasiyiinta iyo shacabka si loogu jeesto horumar.

Xildhibaanada Dowlada dhexe kaga jira Konfurgalbeed iyo kuwa Maamulka Konfurgalbeed ayay ugu yeereen in ay ka shaqeeyaan horumar iyo isku duubno isla markaana shacabka ay colaadaha iyo abaaruhu daashadeen aan waqtiga looga lumin siyaasado aan waxba soo kordhinayn sidy hadalka u dhigeen.

Qurbajoogta ayay ka codsadeen in ay ka waantoobaan hurinta colaadaha iyo iyo kicinta shacabka ee dhanka Baraha bulshadu ku kulmaan iyaga oo xusay in xiku meerto yahay 4sano kadibna doorasho imaan doonto .

Ugu danbayna dowlada Soomaaliyeed ayay ka dalbadeen in aysan indhaha ka qabsan cidwalba oo kicin iyo hurin colaadeed ka wada Konfur galbeed Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.