Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland ayaa waxuu marka hore hambalyo udiray Madaxwaynaha iyo Barlamanka cusub ee maamulka goboleedka Soomaliyeed ee puntland waxuuna Fariin udiray Hogaamiyaha jubbaland ee ku fashilmay hogaanka Jubbaland Axmed Madoobe.
Musharaxa Madaxwaynaha jubbaland Cabdi Maxamed Warsame “Deeq Faandhe” ayaa waxuu sheegay Masuulkii bulshada uu hogaamiyo dhib u horseeda waxuu maraya jidkii uu maray Cabdiwali Gaas iyo mid kaxun waxuuna uga digay Axmed madoobe haduusan xilka kadagin, Shacabkii uu ku dhibaateyey Magalada kismaayana Cafis waydiisan inay Sharciga Latiigsan doonaan.
Ugu danbayntii Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Deeq faandhe ayaa waxuu udiray Baaq Bulshada Degmada Afmadow oo Axmed madoobe kusugan yahay waxuuna u sheegay inay laxisaabtamaan Aaxmed Madoobe oo waydiiyaan waxa uu uqabtay Lixdii Sano ee lasoo dhaafay iskana ilaaliyaan inuu dhaho Axmed madoobe waxbaan hada kadib iidin qabanayaa Madaama Waqtigiisii dhamaaday.
Leave a Reply