Dowlada Soomaaliya ayaa waxay si kulul u cambaaraysay weerarka lala beegsaday Dhismaha hotel kuyaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kaas oo layiraahda Dust2 Hotel, Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa lagu yiri Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa qoysaska dhibanayaasha, iyadoo u rajeysay caafimaad degdeg ah kuwa dhaawaca ah, waxa ayna caddeyneysaa inay ku garab taagan tahay Xukuumadda Jamhuuriyadda Kenya dagaalka ka dhanka ah argagaxisada
Leave a Reply