Khasaaraha ka dhashay dab ka kacay Suuqa degmada Afgooye

dab

Xalay saqdii dhexe ayaa dab waxa uu ka kacay Suuq ku yaalla degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana dabkaas uu geystay khasaaro hantiyadeed oo aad u farabadan. Dabka ayaa markii hore ka bilaawday qeybta Hilibka lagu iibiyo waxana uu ku faafay qeybaha kale ee Suuqa, waxaana Ganacsatadu ay sheegeen in degmada afgooye aysan laheyn wax dam damis ah.

Ma ahan markii ugu horaysan oo dab k kacayo Magaalada Afgooye dhawaan bay markii dab xoogan uu ka kacay bartamaha Magaalada Afgooye, dababkaan kusoo noq noqonayaa Magaalooyonka Soomaliya ayaa waxaa inta badan dhaliya koronto ay xireen dad aan aqoon badan lahayn iyo dib laga shido meel aan ku haboonayn waxaana soomaliya guud ahan ku yar Gadiidka Dab damiska.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.