Daawo:Axmed Madoobe iyo wasiiradiisi oo weerar ku qaday Ugaaska Cawlyahan

ugaas

Hogaamiyaha waqtigiisa dhamaaday ee Axmed Madoobe ayaa kulan kulaqaatay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose qaar kamida Odayaasha Beesha Cawlyahan, Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii loo cambarayn lahaa Bulshada waynta Cawlyahan oo ugu horeeyo Ugaas Xuseen Ugaas Maxamuud Ugaas kuwaas oo taageera Midnimada ummada Soomaliyeed iyo taageerida Dwolada federaalka ah soomaliya.

Axmed madoobe iyo wasiiradiisa fadhiidka ah ayaa waxay soo aruuriyeen odayaal ay lacag u qabiyeen si ay u tusaan Saaxafada in Magaalada Dhooblay laga taageerasan yahay axmed madoobe, Odayaashaan lasoo aruuriyey ayaa sheegay inay taageersan yihiin Axmed madoobe.

Dhanka kale wasiirka Maaliyada ee Axmed madoobe ayaa waxuu sheegay in Ugaaska iyo kuwa kale oo meelaha ka qaylinaya ay hada bilaabeen dacaayado eedo kale ujeedkoodana maysan ahayn Cawlyahan dhulkooda laga xoreeyo Alshabab ee waxuu ahaa dano gaara.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.