Daawo:Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland oo ka hadlay Doorashadii Puntland iyo Maamul Goboleedyada

ciilmiige

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland ahna Gudooomiyaha xisibiga XIIS Mudane Cabdulaahi Cilmooge Xirsi horayna u ahaa wasiirkii hore Wasaarada Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa waxuu ka hadlay doorashadii ka dhacday maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo u ku guulaystay Siciid Cabdulaahi Deni iyo Xaalada Cusub ee ay galeen maamul Goboleedyada.

Gduoomiyaha Xisiga XIIS ayaa marka waxiuu soo dhaweeyey doorashadaa ka dhacday Puntland iasagoo hambalyo udiray Madaxwaynaha Cusub Deni iyo Bulshada Puntlan, waxaa kaloo Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Cabdulaahi Xirsi sheegay inuu aqoon u lee yahay Madaxwayne Deni kana shaqeyn doono midnimada ummada Soomaliyeed uuna ka fogaadoon danta gaarka ah.

Musharaxa Madaxwaynaha Jubbaland Ciilmooge ayaa waxuu ka hadlay Dagaalka Axmed madoobe Cilaanshay waxuuna sheegay sida kaliya ee looga guulaysan karo Alshabab inay tahay dowlada iyo shacabka Jubbaland oo is wata inay dagaal ku qaadaan Alshabab hadaaana taas majirto oo Axmed madoobe waxuu dhumiyey xiriirka Bulshada Jubbaland iyo kan dowlada Soomaliya.

waraysigaa oo dhinacyo badan taabanaya Halkaan hoose kadaawo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.