Kooxda Argagixisada Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku soo bandhigay Sadex Askari oo ay sheegeen in ay ka tirsanayeen Maamulka Jubbaland, kuwaas oo ay sheegeyn iney ka soo baxsaday maamulkii ay katirsanaayeen ayna isku soo dhiibayn Al-shabaab.
Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Ciidanka isku dhiibay ay katirsanaayeen Ciidamada ilaalada Madaxtooyada Jubbaland iyo sidoo kale Istaafka Axmed Madoobe sidaasna waxaa Sheegay warbaahinta Al-Shabaab aayakoo intaas ku daray in raggaan ay lasoo goosteen hubkii ay ku ilaalinaayeen Madaxtooyadda maamulka Jubbaland.
Ma jirto wax cadeyn ah oo loo haayo in ragaan ay katirsanaayeen Maamulka Jubbaland marka laga reebo sheegada Al-Shabaab Maamulka Jubbalandna waa ka gaabsaday inuu beenioyo sheegashada Shabab.
Leave a Reply