Akhriso:wasiirka Dastuurka koonfurgalbeed oo Xasan Shiiq Ceebtiisa bananka Soo dhigay

xanab

Madaxweynihii Hore Xasan Sheekh Maxamuud oo kahadlay Kulan Muqdisho uu ku qabtay Xisbiga Midowga Nabada iyo Horumarka ayaa waxuu eedeeyey dowlada fedraalka ee soomaliya asagoo sheegay Dalkan inuu u baahan yahay Qaanuun iyo Shuruuc ee uma baahno Shaqsiyaad Dalka Gacanta ku qabta.

Hadaba Wasiirka Dastuurka maamul Goboleedka Soomaliyeed ee koonfurgalbeed Cabdullahi Shiiq xassan waxuu soo bandhigay qaar kamida dhibkii Xasan shiiq dalka u gaystay iyo hantidii qaranka Soomaliyeed ee uu Xaraashtay.

AQRIS WACAN
Allaa Mahad oodhann leh.
Intaas kadib inta itaqaana waa ogtahay in aanan ka mid ehayn taageerayaasha Jibeeysan ee Nabad&Nolol, laakiin waxan rabaa wadaadkaan taariikhda hore xusuusan laakiin iloobay 2012- ilaa 2017 wixi Dalka kadhacay iyo Cidi Madaxda ka eheed in aan xusuusiyo hadiiba Maskaxdiisa Meeli kabanaantahay.
1- Xasan waxa ow yiri uma baahnin Dowlad gacan adag Dadka ku qabata ayada oo adeegsaneeysa Ciidanka Qaranka waa dhab laakiin
Yaa Madax ka ahaa tii shacabkii degenaa Dhabarkadanbe ee schoolka 21 October shacabkii deganaa qaarkoodna Sharci kudeganaa qaarana qaxooti ku’ah Ciidanka qaranka u’adeegsatay kadibna shirkadaha gaarka loo leeyahay ka iibsatay?
2-yeey eheed Dowladi 6000kun oo shaqaale Xamaaliya xoog shaqada uga eriday kadibna shirkada Shisheeye ka iibsatay?
3 Xaga Caburinta yaa Madax ka ahaa Dowladi warbaahinta Muqdisho xarumahooda Ciidanka qaranka u’adeegsatay Xabsigana utaxaabtay?
Agaasimayaashi iyo wariyaashi ka howlgeli jiray ayada oon Garsoor loosoo marin?
Yaa xabsiga dhigay Masuuliyiinti warbaahinta iyo weriyaashi Idaacadaha sida
1-Agaasimihi Shabeele Abdimaalik
2-Agaasimihi Kulmiye Agwan Guure
3- Agaasimihi Dalsan Hassan A geesey
4- Maamulki Tv Universal Abdullahi Xersi
5-Allaha unaxariistee Awill Daahir Salaad?
Lunsashadi Hanti qaran
1-Yaa iibasaday Haamihii Patrolka ?
2-Yaa iibsday wershedi Pastada ?
3- yaa iibsday dhulki W/Gadiidka raaderka ?
4- yaa iibsaday Dhulki Somali airline ?
5- Yaa iibsday Wershedi sifeeynta patrolka?
6-Yaa iibsaday Beerti Xuriyada tarebunka ?
7- Yaa iibsaday 2 Beerood ee Ceelgaab ?
8-Yaa iibsaday Hotel SYL ?
9-Yaa iibsaday all staions parol Mogadishu kuyiil ?
10 Yaaqaadan jiray visa feega Airporka ?
11-Yaaqaadan jiray lacagt IDCARD D/hose ?
12-Yaaqadan jiray Guryaha Xamar lacagta lagaqaadi jiray ?
Hadiiba intaas ninki kamasuulka ka’ahaa meeshi asaga Cadaalada la horgeeyn lahaa asagi Dacwa qabo Somalia Nasiibkeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.