Alshabaab oo Ciidamo laga qaaday Kismaayo ku laayey Duleedka Magaalada Dhoobley

Dhawaan bay ahayd Markii Hogaamiyaha Jubbaland Axmed madoobe uu sheegay inuu shabaab kasaaraya deegaanada jubbaland waxuuna axmed madoobe diyaarad kuqaaday ciidamo asagoo ku daabulay Magaalada kismaayo waxaana lageeyey Dhoobley iyo Afmadow.

8 askari ayaa geeriyootay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan Ciidamdii laga qaaday Kismaayo, qaar kamida Ciidamada Jubbaland ee Goobta qaraxa kusugan ayaa xaqiijiyay in gabi ahaanba ay gubteen gaarigii ay miinada la qaraxday.

Ciidamadaan ka tirsan Jubbaland ee miinada la qaraxaday ayaa ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin, kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.

Ciidamadaan Axmed Madoobe u daabulay afmadow iyo Dhooblay ayaa ilaa iyo hada aan galin wax dagaala oo ay kuweerarayaan deegaanada Alshababka kaga Sugan yihiin Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.