Wasiir Goodax ayaa Garoowe uga qeyb galay Bandhigga Todobaadka Hiddaha Dhaqanka

goodax

Wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.

Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ka ahaa madax ka tirsan maamulka puntland odayaal dhaqameed iyo marti sharafkale oo lagu casumay.
Wasiirka Waxbarashada XFS,Mudane Cabdullaahi Goodax bare ayaa soo dhaweeyay horamarinta bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed ee lagu qabtay Jaamacadda Boosaaso,
Waxaan magaaladda Garoowe uga qeyb galay munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha, Dhaqanka iyo Aqoonta Jaamacadda Boosaaso, Faraceeda Garowe.
Wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta sare ee Soomaaliya markasta waxaa ka go’an in ay kaalin mugleh ka qaadato soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed kaas oo micno weyn ugu fadhiya bulshada Soomaaliyeed.
Waxaan si gaar u mahad celinayaa intii ka qeyb qaadatay qabsoomidda munaasabadda bandhigga Todobaadka Hiddaha iyo dhaqanka oo ugu horeyo wasiirka waxbarashada Puntland Abshir, Aw-Yuusuf iyo Nabadoon Ciise Maxamed.
Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa tilmaamay in Wasaaradda waxbarashada ay ka go,antahay soo celinta Hiddaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.