
Ciidamada Xoogga dalka oo kaashanaya saaxiibadooda caalamiga ah ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay xero maleeshiyada Al-Shabaab ku leeyihiin Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa lagu dilay 13-maleeshiyo oo ka tirsan Al-Shabaab,xerada la weeraray ayaa lagu diyaarinayay dhagar ka dhan Shacabka Soomaaliyeed.
Ciidamada Xoogga dalka iyo saaxiibadooda caalamiga ah ayaa ka hortagay dhagarta Al-Shabaab,islamarkaana baabi’iyay saldhigii Al-Shabaab halkaasi ku lahaayeen.
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab,kuwaasi oo hadda gabalkooda uu sii dhacayo.
Leave a Reply