Daawo:Soomalia oo dhisaysa wadooyinka ugu wayn afrika iyo Turkiga oo ku guulaystay dhismaha wadooyinkaas

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS)، mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta daah-furay mashruuca dhismaha waddooyinka isku xira Muqdisho iyo magaalooyinka Jowhar iyo Afgooye ee maamul gobaleedyada Hir-shabeelle iyo Koonfur Galbeed.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliyaan madaxwaynayaasha Hir-shabeelle iyo koonfur Galbeed ayaa sheegay in hoggaanka dalku uu ku faraxsanyahay billaabashada mashuurcaan oo muhiim u ah qorshaha horumarinta dalka, isaga oo u mahadceliyay dawladda Qatar oo bixinaysa qarashka lagu dhisayo waddooyinka iyo dawladda Turkiga oo ku guulaysatay qandaraaska dhismaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.