Booliiska oo sheegay inay Dad ay u soo qabtay dilka Xildhibaan Boqorre

bariisa

Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye guuto C/llaahi Xasan Bariise ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka qaranka ay gacanta ku hayaan shaqsiyaad lala xiriirinayo in ay ka danbeeyeen dilkii shalay galabtii loogu gaystay magaalada muqdisho xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore.

 

“ Ma hordhacayno  waxaa socda baaritaan, dadna waa loo soo qabtay, inta kalana waa lagu raad joogaa, ciidanka Booliiskana waxaa ka go’an inuu kiiskaan juhdi aad u wayn galiyo, si sharciga loo marsiiyo dhagarqabayaashii  ka danbeeyay dilka xildhibaanka”

Generaal bariise wuxuu xusay in xidhibaan Cismaan Cilmi Boqorre uu ahaa shaqsi ahludiin ah, wadani ah islamarkaana uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo shaqeeyay xilli adag, ciidanka Booliiska Soomaaliyeedna isagoo kaashanaya bulshada Soomaaliyeed wuxuu habeen iyo maalin u soo jeedaa diyaarna u yahay in uu gacan adag ku soo qabto dhagarqabayaasha  doonaya in ay indhaha ka ridaan shacbiga soomaaliyeed.

Ugu  danbayntii Taliyaha Hogaanka Ilaalinta Canshuuraha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sareeye guuto C/llaahi Xasan Bariise wuxuu uga tacsiyadeeyay Marxuum EX. Xidhibaan Cismaan Cilmi boqorre, dhammaan Shacbiga Soomaaliyeed,Golayaasha dowladda iyo Qoyskii iyo eheladii uu ka tagay. Innaa Lillaahi Wa-Inna Ilayhi Raajicuun.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.