Daawo:Maamulka Caabudwaaq ayaa kormeer ku tagay deegaanka Bali-boore ee Galbeedka Caabudwaaq.

Masuuliyiin katirsan maamulka degmadda Caabudwaaq ayaa waxay kormeer ku tagay deegaanka Bali-boore ee galbeedka Degmada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud waxaana Masuuliyiintaan ka mida Madaxa Arimaha Bulshada degmada Caabudwaaq Muuse Maxamed Muuse Inji iyo kuxigeenkiisa iyo Xoghaya ururka dhalinyarada waxaana socdaalkooda laxariiray sidii ay ugu kuur gali lahaayeen Baahiyaha kajira Bali Boore.

Bulshada Deegaanka Bali boore ayaa sheegay in deegaankooda ay kajiraan Biyo yaraan iyo Adeegada Caafimaadka iyo waxbarshada oo aan kajirin.

Ayaanle Cabdulaahi Jaamac ayaa warbixintaan Caabudwaaq ka soodiray

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.