Diyaarado dagaal oo xalay duqeyn la beegsaday Shabaab.

diyarad

Degmada  Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in xalay diyaarado dagaal ay duqeymo xoogan ku beegsadeen saldhigyo ay kooxda Argagixisada Al Shabaab ku leeyihiin degmadaasi.

Duqeynta kadib ayaa waxaa dhacay dagaal toos ah oo u dhaxeeyay ciidamada Xoogga, kuwa Cadaan ah iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka deegaanka awdheegle ayaa sheegay in weerarka iyo duqeynta lala beegsaday goob ay shabaab dadka lacagta ugu qaadaan, islamarkaana waxaa  jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Al-Shabaab.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay Weerarkan ka dhacay Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.