Dhageyso:Axmed madooobe iyo Xildhibanada kenya oo gumeysi Soomaaliya u horseedaya Dhaqalana kenya kubixinayso

Mudanaayaasha barlamaanka Kenya ee kasoo Jeeda gobolada bari ee Kenya sida Gaarisa ayaa waxaa loogu baaqay inay faraha kala baxaan amuuraha dalka Soomaaliya, Suldaan Deeqow ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe iyo Xildhibaanada Somalida Kenya qaarkood ay gumeysi Soomaaliya u horseedayaan.

Suldaanka ayaa sheegay in maamulka Jubaland ay wadato doowlada Kenya, waxaana uu cadeeyay in Kenya ay si qaldan Soomaaliya ugu dirtay Ciidamo gaaraya ilaa 4,000 oo aysan ka warqabin doowladii Soomaliya ee xiligaa jirtay.

Waxa kaloo uu sheegay Suldaanka in Kenya ay Ciidamadeeda ugu dirtay Soomaaliya si ay Kismaayo u noqoto meel lagu murmo oo laysku qabsado, si loo hilmaamo qadiyada NFD.
waxaa uu sheegay Suldaan deeqow Wax la qarinaayo maahan waa wax cad Kenya Ciidan beey geysay Soomaaliya iyadoon cid kala tashan wasiirkii hore ee Gaashaandhiga iyo Group nuucaas ah ayaa kaalmeeyay Kismayo in la qabto iyagoo markaas ku fikirsan in Kismaayo ay muran gasho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.