Kooxda argagixisada Shabab oo lagu laayey hiiraan

diyarad

Duqeymo qasaaro geystay ayaa Maleeshiyaadka Al Shabaab lagula eegtay qeybo kamid ah Gobolka Hiiraan ee Bartamaha Soomaaliya.

Wariye Cabdiwali Xasan Jimcaale oo ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu Radio Muqdisho u sheegay in illaa shalay galab dhulka Buuraleyda ay ka dhacayeen duqeymo isdaba joog ah kuwaas oo laga geysaneyey meelo ay ku dhuumaaleysanayeen Horjoogayaal katirsan Al Shabaab.

Goobaha ay duqeyntu ka dhacday ayaa waxaa kamid ah deegaanada Oratan iyo Yabaara-eele oo tirsan Gobolka Hiiraan.

Dadka Deegaanka ayaa kuwo kamid ah waxaa ay arkeen Maydadka Al Shabaab kuwaas oo duqeynta haleeshay iyaga oo sidoo kale kuwo kale oo baxsan ah waxyeelo soo gaartay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.