Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Deni ayaa Caasimadda Garowe kaga qayb galay shir Sanadeedka Qurba Joogta Puntland kaas oo inta badan looga hadlo sidii ay Qurba joogtu uga qayb qaadan lahaayeen hormarka dalka.
Madaxweynaha waxaa weheliyay Mas`uuliyiin ka tirsan golayaasha dowlad goboleedka Puntland iyo Madax ka socotey Hay`adda qaabilsan xiriirka jaaliyadaha Puntland.
Madaxweyne Deni oo khudbad ka jeediyey shirka jaaliyadaha Puntland ayaa qurba joogta ku booriyay sidii ay dalka u maalgashan lahaayeen isla markaana dhaqaale looga samayn lahaa maalgashiga wadanka gudihiisa.
“Waxaan aad ugu faraxsanahay sida quruxda badan ee shirkan loo soo agaasimey, waxaan halkaan ka cadeynayaa in xagaaga soo socda in halkaan lagu qabanaayo shir ku saabsan maalgashiga, oo dadka jecel maalgashiga dalkooda aan u soo bandhigno fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan, iyo in ay indhaha caalamka ay ku nool yihiin u soo jiidaan fursadaha maalgashi ee dalka ka bannaan”.
“Dowladdan waa dowladdiinii waxaa loo baahan yahay in aad dalka wax muuqda oo la taaban karo aad ku soo kordhisaan, ma aha jagada dalka ka bannaan mid siyaasi ah oo kaliya, dalka waxaa ka bannaan fursado badan oo loo baahan yahay in laga faa’iidaysto waxaana laga qabsado” Ayuu yiri madaxweynaha Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa ugu baaqey Qurba joogta Puntland sidii ay wada shaqayn dhow ula yeelan lahaayeen xukuumadiisa Cusub si loo dar dar galiyo howlaha horumarinta hannaaanka dowladeed.
Leave a Reply