Wasiirka Caafimaadka Somaliya ayaa ka qeyb gashay sagootin loo sameeyey Madaxii Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Munaasabad lagu sagootinayay madaxii Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee WHO u qaabilsanaa Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,wasiir kuxigeenka,Agaasimaha guud,dhaqaatiir iyo marti sharaf kale,iyadoo goobta lagu soo bandhigay macluumaad ku saabsan waxqabadkii mas’uulkan intii uu ka shaqeynayay Soomaaliya.

Dr. Popal Ghulan Rabani oo ah madaxii Hay’adda WHO ee Soomaaliy oo waqtigiisu dhammaaday,ayaa si weyn uga hadlay waxqabadka xafiiskiisa mudadii uu joogay,wuxuuna sheegay iney guulo ka gaareen horumaro laga sameyeey adeegyada caafimaad ay bulshadu u baahnaayen,sida ololihii ciribtirka cudurka Dabeysha ee Soomaaliya,wuxuu ku ammaanay hay’adaha caafimaadka heer Federal iyo heer dowlad Goboleed kaalintii ay ku lahaayeen fududeynt howlaha xafiiska uu qabanayay.
Mudane Maxamed Saciid Cabdullaahi ayaa ka mahad celiyay waxqabadkii madaxii Hay’adda WHO Dr. Popal Ghulan Rabani,isagoo xusay in howlihii la qabtay Bulsho badan oo Soomaaliyeed ay ka faa’ideysteen.
Wasiirka Caafimaadka Dowladda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa ku ammaantay Dr Popal Ghulan Rabani guulihii uu soo hoyay.
Ugu dambeyntii, Wasiirka ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Dr. Popal Ghulan Rabani, maadaamo oo uu ku guuleystay shaqo wanaag.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.