Maamulka Degmada Luuq ayaa agab ku wareejiyay Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla Tuulooyinka hoos yimaada Degmada Luuq, Mootooyinkaan ayaa loogu tala galay in loogu adeego Bulshada ku dhaqan Tuulooyinka hoos yimaada degmada Luuq waxaana la gudoonsiiyay Sideed xarumo caafimaad ah.
Mootooyinkaa oo ah nooca Tuk-Tukta waxana gudoonsiiyay guddoomiyaha Degmada Luuq Maxamed Cabdullaahi Gardhuuub oo bulshada kula dardaarmey in ay ilaashadaan agabkaan Bulshada ku dhaqan Tuulooyinkii la gaarsiiyay agabka caafimaad ayaa uga mahad celiyay sida uu maamulka degmada Luuq u maareeyay baahiyahooda.
Leave a Reply