
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane; Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow), ayaa sheegay in argagaxisadu ay beegsanayso nafta iyo hantida Shacabka Soomaaliyeed, halka uu maamulka Gobolka Banaadirna u taagan yahay dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda.
Guddoomiyaha ayaa kormeer ku sameeyey Garoonka Qoob-dooro ee Degmada Kaaraan, Xarumaha Degmooyinka Howlwadaag, Hodan , iyo Bullaacadda No4 oo dhammaantood howlo shaqo oo dib loogu dhisayo uu M/mulka Gobolka Banaadir ka wado, isagoo ugu baaqay shacabka Caasimaddu in ay u midoobaan dib-u-dhiska iyo horumarinta dalkooda.
Leave a Reply