
Diyaarad rakaab oo nuuceedu yahay Boeing 737 islamarkaana laga leeyahay dalka Ethiopia ayaa burburtay iyadoo ku guda jirta duulimaadkeeda isaga kala goosha magalooyinka Addis-Ababa iyo Nairob.
Diyaaraddan rakaabka ah oo ay leedahay shirkadda duulimaadyada ee Ethiopian Airlines ayaa kasoo duushay magaalada Addis-Ababa ee dalka Ethiopia waxa ayna kusii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Sida ay baahisay wakaaldda wararka ee Reuters diyaaraddaan waxier saarnaa 149 qof oo rakaab ah iyo 8 kamid shaqaalaha diyaaradda.
Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Abiy Ahmed ayaa bartiisa Twitter-ka kusoo qoray erayo tacsi ah waxa uuna soo qoray sidan “Waxan si qoto dheer ugu tacsiyeynayaa qoysaska shilkan ku waayey dadkooda ay jeclaayeen”.
Leave a Reply