Madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xusseen Guudlaawe ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada degmada Cadalle ee u dhaxeeya labada maleeshiyo beelleed.
“Waxaa ku baaqayaa in si deg deg ah lagu joojiyo dagaal beeleedka degmada Cadale, marar badan ayay dadaal badan ku bixiyeen dowlad goboleedka Hir-Shabeelle sidii loo xalin lahaa dagaal beeleedkaas,waana wax lag xumaado in uu si fudud ku daato dhiiga dadka walaalaha ah, waxaana diyaar u nahay inaan dhigno gogol nabadeed oo lagu xalinayo beelaha dagaalamaya ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Leave a Reply