Wararka ka imaanayo Buusaar ee gobolka Gedo ayaa soo sheegaya in saakay aroortii hore ay ka baxeen Ciidamada Milateriga Kenya islamarkaana ay qabsadeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Dadka deganka Buusaar ayaa sheegaya in Milateriga Kenya ay ka baxeen degaanka waxaana gudaha u soo galay Argagixisada Al-shabaab.
Ciidamada Kenya ayaa horay uga baxay degaanka Fax-fax dhuun iyagoo aan ku wargelin Maamulka Gobalka. Hada ayaa sidoo kale la soo sheegayaa in ay iska baxeen iyagoo aan ku wareglin Maamulka Gobalka Gedo.
Leave a Reply