Wasiirka Maaliyada Dowlada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa waxuu ka hadlay mushaarka shaqaalaha dowlada oo ku jiraan Ciidamada.
Wasiir Bayle ayaa waxuu sheegay Shaqaalaha dowladda oo Ciidamada kujiraan Mushaar ayay wada qaataan, waxaana jira dad seddex mushaar qaadan jiray hadii laga jaro oo lagusoo kobo hal mushaar oo xaq u leeyahay waad dareemaysaa xanuunka uu u yahay qofkaas.
Wasiir Bayle waxaa kaloo intaas ku daray xaaraan dambe oo dad qaadanayaan cidey doontaba ha noqotee waa soo dhamaatay mana dhici doonto, Ruux kastana waxaa uu marayaa hanaan lagu xaqiijinaayo inuu kamid yahay shaqaalaha dowladda.
Leave a Reply