Wasiirka arimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya md: Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqosho rasmi ah ku tagay dalka marooco, Booqashadan oo qaadan doonta muddo laba maalmood ah waxaa wasiir Cawad ku wehlinaya xubno diblomaasiyiin ah oo heerkoodu sareeyo.
Wafdiga ka socda dowladda Soomaaliya mudada ay joogaan dalka Marooco, waxay wadahadallo laba geesood ah la yeelan doonaan masuuliyiinta kala duwan dalkaasi ka tirsan.
Wasiirka arimaha dibadda ee Marooco Nasser Bourita wuxuu dhankiisa sheegay in labada dal ka wada hadlayaan xoojinta xiriirka laba dal ee soo jireenka aha iyo qaabkii loo sii horumarin lahaa,dhidibadana loogu aasi lahaa iskaashi dhinacyo badan leh oo u adeeggaya danaha labada dal ee walaalaha ah.
Leave a Reply