
Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta oo Sabti ah yeelanaya kulankiisa u horeeyay, kalfadhiga 5aad , waxaana horyaala ajandayaal dhowr ah oo muhiim u ah howlaha dowlada Federaalka Soomaaliya.
Guddoonka Golaha Shacabka ayaa xalay ku wargeliyay Xildhibaanada in maanta oo Sabti ah 30-ka bisha Maarso uu jiro Fadhiga Baarlamaanka, ajandaha kulankana uu yahay dhageysiga warbixinta Guddiga Dib u eegista Dastuurka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa 27-kii bishaan furay Kalfadhiga 5aad ee Golaha Shacabka, wuxuuna kula dardaarmay ineey dardar geliyaan ajandayaasha muhiimka ah.
Leave a Reply