Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qasriga Madaxtooyada ee Boosaaso kulan kula qaatay guddiga amniga Gobolka Bari.
Madaxweyne Deni oo gaaray caasimadda ganacsiga Puntalnd ayaa markiiba kulan iskugu yeeray gudiga amniga, kulankaas oo looga arinsanayo adkaynta amniga iyo soo celinta hannaan Dowladnimo.
Amaanka Magaalada Boosaaso ayaa waxuu noqday mid aad u liita waxaana marar badan ka dhacay dilal Qorshaysan oo lagu beegsanayo Waxgaradka iyo Ganacsatada.
Leave a Reply