Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland ayaa waxaa ka dhacay Mudaharad ka Gadisan mudaharadyadii Horay uga dhici jiray magalada Garoowe waxaana uu ahaa Mid ay ku muujinayaan Haweenka Dareenkooda socod iyo Aamusnaan waxayna socod ku mareen wadooyinka hormara Xafiisyada maamulka Puntland iyo qaybaha kale Magaalada.
Mudaharadka ayaa ahaa mid looga soo horjeedo Kufsiga kusoo noqnoqday Degaanada Puntland Iyadoona ay dowladu weli aysan waxba kaqaban falalkaas,Borarka ay mudaharadyadu wateen waxaa ku qornaa cadaalad banu rabnaa iyo hadalo kale oo lagu diidan yahay Kufsiga
Leave a Reply